Share
‘Hoodaar’ oo sharraxan: lafaggurid maanso

‘Hoodaar’ oo sharraxan: lafaggurid maanso

Saddex saaxiibbo ah, Faarax Axmed Cali “Gammuute”, Rashiid Sheekh Cabdillaahi “Gadhwayne” iyo Siciid Jaamac Xuseen “Gacmuudi” ayaa xagaagii 2018kii soo booqdey saaxiibkoodii ay waqtiga dheer dad isugu dhawaayeen, Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”, oo aanay in door ah la kulmin. Waxa ay ku soo booqdeen Hadraawi magaalada Burco, iyaga oo ka safray Hargeysa oo ay saddexduba u joogeen Bandhiggii Buugaagta. Intii ay sii socdeen aad bay uga sheekaysaneen, jawiga Burco, ayaamo hore, iyo xaalladda ay kula kulmi doonaan. Waxa ay la soo joogeen maalintii oo dhan. Ka soo noqodkii safarkoodaas oo gaar u taabtay, iyo la kulankii Geedka, ayuu Faarax Gammuute ka allifey maansadan “Hoodaar”.

Halkan kala deg: PDF Halkan | PDF Academia | PDF Hargeysa Cultural Centre