Share

Garnaqsi Madaxweyne: Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal

Madaxmeyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ayaa soo hordhigay golaha baarlamaanka Somaliland 17kii Diisember 1997kii is-casilaad. Sida dastuurku dhigayo fadhigu waxa uu ahaa mid wada jir ah, oo labada gole baarlmaan (wakiillada iyo guurtida) ay wada fadhiyaan, codayntana waxa qeexaya qodobka 110aad. Goluhu waxa uu u qaaday codaynta iyada oo ay fadhiyeen 129 mudane. Go’aankii goluhu waxa uu noqdey: 3 Haa (aqbal casilaad), 124 Maya (ku celin), Shirguddoonkuna ma uu codayn (labada guddoomiye), ma ay jirin cid ka aamustay. Maalintii codaynta ka dib ayuu Madaxwayne Cigaal u jeediyey qudbaddan fadhi wada jira ee saddexda gole baarlamaan (Guurtida, Wakiillada iyo Xukuummadda). Codka oo aan dhammaystirnayn waxa aan ka qorey barmaamij uu diyaariyey Telefishinka HCTV.

Garnaqsi Madaxweyne: Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal