Share
Laasgeel – duugaal dabiici ah

Laasgeel – duugaal dabiici ah

Farshaxanka Dhagaxkuyaalka[1] Laasgeel
Dr. Jama Musse Jama

Laasgeel waxa ay u jirtaa Hargeysa in ku dhow 50km xagga Waqooyi Bari, waxana ay 5km Waqooyi kaga beegan tahay tuulada Dhubato. Waxa dhagaxda Laasgeel ku yaal shaxannada sawirgacmeedka ah ee Afrika kuwa ugu dhowrsoon ee ka badbaaday hagardaamada aadamaha iyo nuglaynta dabeecaddu u gaysato shaxannada sooyaalka ah. Waxa lagu qiyaasaa 5,000-11,000 oo sannadood ka hor in la sameeyey farshaxankan dhagaxkuyaalka ah, oo u badan xoolo lo’ ah, qaab bini’aadam, iyo xayawaanno kale oo lagu dul xardhay dhagaxa ku dhowrsoon xorfadaha buurta Laasgeel. Waa goobta ugu caansan kolka ay noqoto taariikhda soojireenka Somaliland, waana goob u muhiim ah dalxiiska oo soo jiidatay indhaha adduunwaynaha.

[Halkan kala dag: PDF]


[1] Ereyga Farshaxanka Dhagax-ku-yaal ah waa ereyga Af-ingiriisida ah ee Rock Art Painting. Ka eeg Taxa Ereybixinta Arrimaha Dalxiiska iyo Aarkiyoolojiga, Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa (2020).