Share

Cilmi-Dhegoodka Geeska Afrika: hordhac

Soomaalida waa dad dhaqan ahaan aan hidde u lahaan jirin inay wax qoraan. Taasi waxay had iyo jeer sababtaa inay lumaan taariikhda asalraaca ah ee ay leeyihiin bulshooyinka noocan oo kale ah “oral society”. Gaar ahaan soomaalida oo ay u dheer tahay reer guuraannimo, ma laha wax hadhaa reeba oo loo qaadan karo tixraac. Qoraalkan oo taxane ahaan ugu soo bixi jirey degelka redsea-online.com waxa aynu kaga hadli doono cilmi-dhaqameedka xiddigiska ee soomaalida, waxaan si dulkaxaadis ah ugu eegi doonaa hababka tirsiimo ee taariikh ee saamayn ku yeeshay kaalendarka soomaalida. Ka eeg http://www.redsea-online.com/calendar barmaamij isugu kaa beddelaya taariikh Soomaali, Islam iyo Gregorian.

(Qoraalkani waxa uu soo baxay 2008kii, waxana uu ka mid ahaa sannadkii kowaad ee Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa.)

[Halkan ka akhri qoraalka oo dhammaystiran oo ah PDF Cilmidhegoodka2008]