Share

Maangal: hordhac iyo qeexo aasaasi ah

Sida af kasta oo adduunka lagaga hadlaaba uu u leeyahay unugyo sal u ah oo marka la isu geeyo sameeya macne buuxa, ayaa afka xisaabtuna uu u leeyahay unugyo seesa fikradaha xisaabeed ee ku jira mas’alooyinka xisaabtu ka turjumayso. Malegalinta hawraaro afeefdhigasho, oo la ogyahay runnimadooda, ayaa lagu gaadhaa in xukunka hawraar go’aan uu gef yahay iyo in uu sax yahay. Si go’aan gefnimadiisa ama saxnimadiisa loo sugo waa in uu go’aankaasi ku salaysan yahay dood dhisan. Haddaba waxa loo baahan yahay hab dhisan oo dhuuxid ah, oo innoo oggolaada in aynu fikredeheenna isku duwan karno, ku samayn karno dood dhisan, kuna gaadhi karno go’aammo biyo-kama-dhibcaan ah. Xikmaddooniddu waxa ay ku salaysan tahay xeerar iyo habab lagu go’aammin karo in biyadhaca dood dhisani uu yahay gef ama yahay sax, hababkaasi iyo xeerkaasi la raacayo si loo kala saaro saxa iyo gefka ayaa la odhan doonaa maangal (logic). Waxa aynu cutubkan ku eegaynaa hordhac ku saabsan waaxda maangalka ee xisaabta, waxana aynu isla-meel dhigi doonnaa qeexaha aasaasiga u ah waaxdaas.

Halkan ka akhri qoraalka oo dhammaystiran – PDF: Loojig_JamaMusse-J_Chapter-III-2016-Draft

Leave a Comment