Share
Dr Cabdillaahi Diiriye, MD

Dr Cabdillaahi Diiriye, MD

Dr Cabdillaahi Diiriye, MD
User Rating: 0 (0 votes)

“Haddii Dr Cabdillaahi Diiriye uu ka dhalan lahaa cid aan innaga ahayn, isaga oo nool ayaa loo samayn lahaa xus, taariikhdiisa ku saabsan Cidhibtirka Furuqana lagu dhigi lahaa iskuullada Afrika. Nasiibdarro, guusheenna ma sheegan naqaanno.” – Dr Jaamac Muuse Jaamac.

Aroori: Horraantii 1940-yadii.

Inan yar oo sagaal jir ah ayaa loo diray nirgo ka-reeb ah iyo halo itaaldaran oo geela ka soo hadhay. Isaga oo daallan ayuu seexday, waxaana ka baadday nirig “Ina Dhuux” la odhan jiray—oo hashii Dhuux ee aadka u caddayd, lafta weynaydina dhashay. Waraabe ayaa diley niirigta, oo subaxii ayaa raqdeeda laga soo helay. Baylahdaas uu sameeyay darteed, waxaa lagu dhuftay laba dhangadood si loo ciqaabo.

Kini-adaygii uu u dhashay inankaas yari iyo qanaacada uu ka qaatay inuu ku sii noolaado miyiga, waxay keeneen inuu u soo lugeeyo Burao. Wuxuu kaligii ka soo tallaabay banka Aroori oo dhan, ilaa uu magaalada Burco ugu yimi aabbihii.

Iskuulkii Sheekh oo markaa ahaa meel cidlo ah, yagleel ah, balse ardayda lagu hayo, lagu walaaleeyo, waxna lagu baro, ayaa la keenay. In yar ka dibna, isaga iyo lix kale ayaa ku guulaystay deeq waxbarasho oo dalka Suudaan ah si ay u soo qaataan shahaadada dugsiga sare.

Markii uu soo noqday, wuxuu doonayay inuu barto taariikhda. Wuxuu iskii u tagay inuu macallin “isdire” kumeel gaadh ah ka noqdo iskuulkii uu ka baxay ee Sheekh. Hayeeshee, halkaas ayuu ka beddelay rabitaankiisii waxbarasho, wuxuuna doortay inuu barto caafimaadka.

Wuxuu ku guuleystay deeq waxbarasho oo caafimaad ah, waxaana loo diray dalka UK. Wuxuu shahaadiisa u horreysay ka soo qaatay Jaamacadda Aberdeen ee Scotland. Waxaa u xigtay deeq kale oo uu u dhex maray Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO). Wuxuu magaalada Liverpool ku soo bartay caafimaadka bulshada, wuxuuna noqday Soomaaligii labaad ee shahaado jaamacadeed oo caafimaad ah qaata, isaga oo u xigay Dr Cali Qaaddi.

Dalka Equatorial Guinea oo uu gumeystihii Isbaanishka si kedis ah uga baxay ayaa galay xaalad adag oo bani’aadamnimo, waxaana u gurmatay dunida oo dhan. Dr Cabdillaahi Diiriye wuxuu hormuud ka noqday kooxdii gurmadka degdegga ah ee dalkaas loo diray si ay u samatabbixiyaan. Dhakhtarka waxaa socdaalkaas ku heliyay laba hablood oo kalkaaliyayaal ah iyo laba askari oo uu ka mid ahaa A.H.U. Cabdiqaadir Koosaar.

Markii uu soo laabtay, Dr Cabdillaahi waxaa loo magacaabay Madaxa Ololaha Cidhibtirka Furuqa ee Jamhuuriyaddii Soomaalida. Ololahaasi ma ahayn uun mid uu dalkiisa ugu shaqaynayay e wuxuu ka mid noqday guddiyo caalami ah oo meelo badan oo dunida ah ka hawlgalay. Dr Cabdillaahi Diiriye waa ninkii saxeexay caddaynta qofkii ugu dambeeyay ee Furuq ku dhaco dalkii la odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaalida—qofkaas oo sidoo kale noqday qofkii ugu dambeeyay ee adduunka oo dhan uu Furuq ku dhaco: Cali Maacow Maalin (Marka, JS). Nasiib-wanaag, Cali waa ka kacay oo waqti badan ka dib ayaa uu heddiisii u dhintay.

9-kii Diisambar 1979-kii ayaa la isla gartay in furuqii la cidhibtiray, shan bilood ka dibna—bishii May 1980-kii—Shirwaynihii 33-aad ee Caafimaadka Adduunka (WHO Assembly) ayaa lagaga dhawaaqay bayaanka rasmiga ah.

Dr Cabdillaahi Diiriye wuxuu ka mid ahaa saxeexayaashii Bayaanka Cidhibtirka Furuqa ee Adduunka. Warbixintii ay guddigaasi qoreenna waxay ilaa maanta tahay mid aad loo tixraaco, isaga oo golihii Caafimaadka Adduunka ka hor akhriyey warbixintaas taariikhiga ah.

Maanta waa 93-95 jir ku nool dalka Ingiriiska, waa xusuus xejiye, noloshiisu ka turjumayso in ku dhow qarni taariikhda Somaliland iyo hormuudnimada Afrikaanka. Kartida iyo hayaankiisa waxbarasho iyo shaqo waxa ay tusaale nool u noqonayaan jiilasha soo koraya. Haddii Dr Cabdillaahi Diiriye uu ka dhalan lahaa cid aan innaga ahayn, isaga oo nool ayaa loo samayn lahaa xus, taariikhdiisa ku saabsan Cidhibtirka Furuqana lagu dhigi lahaa iskuullada Afrika.

Cabdillaahi Diiriye waa qoraaga buugga “A brief history of Formal Education in British Somaliland protectorate: 1884 – 1960” (2026). Waxa shalay lagu soo bandhigey Barmaamijka Toddobaadka Dhaqanka Soomaalida ee ka dhaca Landhan.

Landhan, 21 Oktoober 2026