Share
Daltebyo – Toddobaadka Qurbajoogga Somaliland

Daltebyo – Toddobaadka Qurbajoogga Somaliland

Daltebyo – Toddobaadka Qurbajoogga Somaliland
User Rating: 0 (0 votes)

Toddobaadkan waxa ka socda saddex magaalo oo ka mid ah Jamhuuriyadda Somaliland Toddobaadka Qurbajoogga Somaliland oo ay soo qabanqaabisey waaxda Qurbajoogga ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Waa kulan aad u qiime badan, waxana aan anigu ku darsanayaa mawduuca “daltebyo”. Akhris wanaagsan. JMJ.

[Sii akhri] [Kula deg PDF] [Ku faallee DB]

Daltebyadu innooma aha gaar innaga uun. Afka qalaad waxa lagu yidhaahdaa Nostalgia, waxana lagu qeexaa xaalad dareen, oo xoog leh, xanuunna noqon karta. Dareenkaas boholyow oo loo qabo meel, qof ama wax aad kalgacayl xoog ah u qaadday oo aad u tabayso fogaanshihiisa.
Markaynu afkeenna ku nidhi daltebyo, ereyga isku sidkan ee dal+tebyo, waxaynu ku soo ururinnay boholyaagaa innagu kalgacalka loo qabo dalka hooyo kolka laga maqan yahay, iyo tebista fogaanshahaas ee keenta murugada. Waxaynuse abuurnay dareen aad u qotodheer oo aad qarankaaga u qabto.

Ereyga Nostalgia waxa uu ka soo jeedaa Giriigga, waxana uu ka koobanyahay nontos oo la macne ah kusoo noqosho gurigaagii, iyo algos oo ah xanuun. Waa xanuun aad u qaaddo inaad waddankaagii ku soo noqoto, oo aad towdo fogaanshihiisa. Waa daltebyo.
Mar waa cudur la iska daweeyo. Loo xanuunsado oo dhakhtar loo galo. Marna waa dareen xoog leh oo dawadiisu tahay inaad waddankaaga kula soo noqto hilow, taasina ay ku siiso xoog iyo tamar aad wax wanaagsan ugu qabato. Markaana waa badhaadhe.
Daltebyadu kolka ay badhaadhaha tahay waa marka ay wixii inna soo maray iyo jacaylkii dalka aad uu qabtay aad ku dabbaqdo inaad joogtada maanta wax kaga beddesho, oo wax san u qabato dadkaaga.
Waxase ka horreeya in aad waddankaaga iyo dalkaaga wax u qabato, in aad horta adigu ku dawowdo soo noqodka iyo hilowga xanuunka beeray, oo aanu cudur kale kugu noqon joogitaanku.

Alle ha u naxariistee Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi” ayaa kolkuu ingiriiska waxoogaa joogay, ee uu se joogi kari waayay, oo uu doonay, kuna guulaystay in uu soo noqdey, ka hadlay dareenkaas.
Kolkii Hargeysa yimi ayuu yidhi “qurbaha waan isku waayay” halkan markaan imi baan is helay. Horta is hel qurbajoogow, kolkaasaad waddankaagana wax tari karaysaaye.

Marka aad adigu is-hesho, haddaannu nahay inta halkan idiin joogta ee idin sugaysa, idin tuhmaysa, idinna tirsanaysa, dooni mayno in xusuustaadii hore ay ku noqoto xakame ama silsilad cagaha iyo maskaxda kaa xidha. Ha kuu noqoto taa ka soo horjeedkeeda, dabaysha ku riixaysa ee sare kuu qaadaysa, kuguna dhiirrigelinaysa inaad wax qabato. Tusaale:
• Haddii aad tahay aqoonyahan ama cilmibaadhe: Ha noqonin oo kaliya mid na soo booqda uun e —noo tababatar da’ yarta, oo samee aqoon iswaydaarsi, wax aayo leh noo qor, oo dhis cilmibaadhis door ah. Ku xidhnow oo isdire ka noqo jaamacadaha dalka.
• Haddii aad tahay ganacsade ama xirfadle: ha ku koobnaanin xawaalad oo kaliya—maalgasho, noo abuur shaqo dhallinyaro, oo dhis hay’ado raaga, hirgala oo waara.
• Haddii aad tahay fannaan ama qoraa: ha noqonin mid xusuusta tagtada oo kaliya, oo u dabranaada — balse wax ka qor maanta iyo joogtada, oo nala qorshee mustaqbalkeenna.

Qurbajooggan noo soo noqdow, xusuusta hore yaanay kugu noqon xakame inaad waxba qaban kari waydo: “sidaasaa waagii hore la ahaan jirey” kuma anfacayso, annana nama anfacayso, lamana soo celin karo tagtadaas, haseyeeshee adoon ka baxsanayn tagtadaada, daltebyadu waxay ku siin kartaa tamartaad u baahantay inaad wax fiican samayso kolkaad is hesho adigu.
Halkaad ka timi yaanay kugu noqon xakame: “sidaasaa loogaga dhaqamaa waddammadaannu joogno” kuma anfacayso, annana nama anfacayso; isbarbardhiggaasina waxaan niyadjab ahayn innooma kordhinayo labadeenna qoloba. Nala fahan duruufahayaga, nala qabso, oo nagu taageer ilbaxnimadii, aqoontii, iyo maalkii aad soo tabacday. Marka aad adigu is hesho qurbajoogow, annagana na hel, oo aynu kolkaasaad waddankaagana wax tari karaysaaye. Markaa aad werwerto waxa hore inoo sheegay saaxiibkay Maxamed Yuusuf Bidhiidh, kolkuu sheekadiisii Doolaal, ku maalinriyooday afarraydan:
Farxad daaye doog iyo cadhaan dibinta ruugaaye
Dacar baygu kaakicinaysaa digashadaadiiye
Dareenna waaba ii dheeryahiyo daano waa hore e
Daltebyadaan illoobaan mar qudha dib igu noolayne.

“Doolaal”, M Y Bidhiidh.

Waa markaad is waydo. Sidoo kale ayaa abwaanno xilligan ahi wax ka yidhaahdeen dhibka. Khaliif Faarax Xayir oo xanuunka qurbaha iyo daltebyeda murugadeeda ka maansooday waxa uu yidhi:
Qurbaa i diloo i daashaday
Waxaan u darsada inaan damal
Darini hoos taal aan dug idhoo
Dalkeenna udgoon dabiyo dacal
Deegaantiisu waa dan iyo baanee

“Daltebyo”, K F Xayir.

Daltebyada waxa hore uga gabyay Maxamed Cabdille Xasan, oo gabayadiisii ugu danbeeyey, gaar ahaan maansada “Dardaaran”, lahaa:
Daltebyeysigii nagu dhecee, duufka na cunsiiyey
Dacluulka iyo ciilkii waxaan, dibinta ruugaayey
Dulinkii kaneecada waxaan, duudka ka cadhownay
Dusha Go’ane waxa awgayow, nala dubaaqyeeyey
Daandaansigii nagu qabsaday, webiga diishiisa

“Dardaaran”, M. C. X. Sayidka

Si maskaxmaalinimo ah se waxa isu barbardhigay labada macne ee daltebyada aynu kor ku soo sheegnay, Alle ha u naxariistee, Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”. In aad naftaadan uu u fekerto baahideeda, daltebyada aynu ka hadlaynaa waa tan uu Hadraawi maansadiisa “Debedyaal” ku toyanayo in degmadii horta nabad tagay:
Meel bay dalooshoo
Dal-tabyaa i haysee
Duni waa ku dhaqannoo
Dareen lagama waayee
Degmadii ma nabad baa?

“Debedyaal”, M. I. W. Hadraawi

Ta beddelkeeda maansada Isa-sudhan, wuxuu Hadraawi ku durayaa qofka qabarmaafishka ah ee daltebyadu aanay ku duxin nafsadiisa, sidaana kaga go’a ummaddiisa:
Halka loogu daran yahay
Daymadiisu kuma foga
Wuxu daawadaa meel
Dura loogu roonaa,
Dib hadduu u noqon-laa
Dal-tabyaan ku beerrayn.
“Isa-sudhan”, M. I. W. Hadraawi

Waxaan ku soo gebagabaynayaa, daltebyadu waa hantaaqada ay naftu u damqato marka ay waydo xannaanadii dalkeeda, waxase dawadeedu tahay inaad hilowgaa u baddesho hawl, oo aad dalkaaga soo cagadhigato. Sida Ismaaciil Yuusuf Cabdi “Jiheeye” tilmaamay, qurbaha daltebyadiisa waxa lagu daweeyaa dalkaagoo aad soo dhex joogsato, dadkaaga oo aad soo dhexjoogsato, una horseeddo horumar. Ha u oggolaan in daltebyada ay kugu noqoto xakame, e ha kuu noqoto xadhiggii ku soo celinayay dalkaaga iyo ficilkii waxtarkiisa.

“Qurbajooga Dibadoow” Erayadii: Ismaaciil Jiheeye, iyo laxankii, AHU, Daauud Cali Masxaf.
Qurbjoogga debeddow, haaha,
In dalkeennu hodan yahay, haa,
Malaa maad dareemine, haahaa,
Marka dirir gu’yaal helo,
Kaalay soo dalxiisoo, kaalay,
Daltebyada iskaga biiyo.

“Qurbajoogga Dunidow”, I. Y. A. “Jiheeye”.